MAGACEE ku habboon maamulka laga sameynayo gobolada dhexe ee dalka?

Iyadoo lagu wado in dhawaan maamul goboleed ay dhistaan dadka degan gobolada dhexee Mudug iyo Galguduud ayaa waxaa hadal heynta ugu badan ee maamulkaas la filayo ay tahay magaca loo bixin doonoo.

waxaa jira dhow magacag oo miiska wada hadalka saaran, kuwaas oo ay ka mid yihiini Galmugud, Ximan iyo Xeeb, Central Somalia, Muga State, iyo Middland, hase ahaatee cilmi baaris la sameeyay ayaa sheegeysa in dadka ka soo jeeda deegaankaas ay aad u daneynayaan magaca “Central Somalia”

Magacan oo fasiraadiisu tahay “Bartamaha Soomaaliya” ayaa waxaa inta badan soo dhaweeyay dadka deegaanka, iyagoo ku doortay sahlanantiisa iyo dhawaaqiisa oo qof kasta u sahlaya inuu si fudud u xifdiyo, iyadoo ay ugu muhiisan tahay inaan beel gooni ah laga dha-dhansaneyn.

Magacyada kale ee loolanka kula jira ayaa inta badan ka turjumaya maamulo hore u dhisnaa iyo kuwa cusub oo ay adag tahay in si sahlan loogu dhawaaqo, hase ahaatee maadaama la sameynayo maamul cusub oo loo wada dhanyahay wuxu magcan cusub noqon karaa mid la isku raaco.

W/Q:  Maxamed Sheekh