‘’Xasan Sheikh inuu iscasilo ayaa dawo u ah siyasada dalka’’ Sidaa waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Saleeban Maxamed Ibraahim oo ka tirsan Aqoonyahaanada Soomaaliyeed, ayaa waxa uu sheegay in la joogo xiligii uu Madaxweyne Xassan Sheekh is Casili lahaa.

Saleeban Maxamed Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa waxa uu Tilmaamay in Is Casilaada Xassan Sheekh ay ku jirto xasiloonida Dalka, waxa uuna sheegay in imaanshaha Dowladiisu uu dalka galay xaalad Ammaan dari.

‘’Joogista Xassan Sheekh waxa ay sii horseedi kartaa dhibaatooyinka dalka ka jira, waxan kula talin lahaa inuu is Casilo, waayo imaanshihiisa waxa ay sii bur-burisay rajadii dalka, haddii aynu nahay Aqoonyahaanada si loo helo xal waa in uu is Casilaa’’ ayuu yiri Saleeban Maxamed Ibraahim

Isaga oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa ayaa waxa uu yiri ‘’Waxaa faraha kasii baxay Amaanka dalka, waxaa la dhibaateynayaa Siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda kale, looma dooran inuu na dhibaateeyo, awooda dalkuna waxa uu kusoo koobay shaqsiyaad xarako ah’’

Dhanka kale, Saleeban Maxamed Ibraahim waxa uu DF uga digay inay wax ka qaban weyso Shaqsiyaadka Awooda Dowladnimo uga faa’iideysanaaya kuwa ay kala dhexeyso Colaadaha, waxa uuna xusuusiyay in mustaqbalka dhow lagula xisaabtami doono ficil waliba oo ay ku kacan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com