Maamulka Gobolka BANAADIR oo soo dhaweeyay howgallada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobalka Banaadir ayaa soo dhaweeyay howgallada ciidamada ammaanka ay ka billaabeyn magaalada Muqdisho kaasoo la rabo in hubka sharci-darrrada looga aruuriyo.

Ku-simaha guddoomiyaha gobalka Banaadir, ayaa saxaafadda u sheegay maamulka gobalka Banaadir uu soo dhawenaayo howgallada ka socda Muqdisho ee hubka sharci-darrada loogu uruurinayo, isagoona intaas ku daray in ay la socdaan howgalladaas oo ay raalli ka yihiin sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay sarkaalkan u hadlay maamulka gobalka Banaadir in ciidamada howgallada fulinaya ay ka tirsan yihiin nabad sugida iyo booliska maamulka gobalka Banaadir.

Wuxuu tilmaamay in ay qalad tahay kooxo hubeysan in magaalada ay hub sharci darro ah ku heystaan isla markaana ay la dagaallamaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba, hadalka mas’uulkan u hadlay maamulka gobalka Banaadir ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmahan magaalada Muqdisho ay ka socdeen howgallo lagu baadi-goobayo hubka sharci-darrada ee magaalada yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com