Maxaa ogeyn oo Baydhabo ka socda?

Baydhabo (Caasimada Online) – Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay kaddib markii la sheegay in ay magaalada ku wajahan yihiin wafdi ballaaran oo dowladda ka socda.

Wafdiga oo ka soo ambabaxaya magaalada Muqdisho waxaa hoggaaminaya wasiirka dhallinyaradda iyo cayaaraha, Khaliid Cumar Cali sidaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in magaalada lagu arkayo ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM, waxaana dad reer Baydhabo loo sheegay xaaladda in ay deggan tahay.

Wafdigan ku sii jeeda Baydhabo waxaa ka horeeyay wafdi kale oo uu hoggaaminaayay wasiir ku-xigeenka ammaanka, Ibraahim Yabarow kuwaasoo u gogol xaarayay shirweyne la rabo in lagu dhammeestiro dhismaha maamulka koonfur galbeed ee seddaxda gobal.

Wafdiga Baydhabo u ambabaxaya waa waa guddi farsamo uu u dhisay wasiirka koobaad ee xukuumadda kuwaasoo la rabo in ay dhammeestiraan maamulka seddaxda gobal ee Koonfur galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan labo maamul oo iska soo horjeeda kuwaasoo kala ah lix iyo seddax.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsatay maamulka seddaxda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com