Beelo & siyaasiyin la yimi qorshe cajiib ah oo aan hubka looga qaadeyn (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shaqsiyaadka iyo beelaha hubka ku haysta magaalada Muqdisho, ayaa degay qorshe keeni kara in hubkooda aysan la wareegin dowladda Somalia.

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu arkayaa Xildhibaano  iyo Siyaasiyiin wadan jiray ama isku ilaalin jiray hal qoray oo iminka wata Qoryaha qaaliga ah sida Daba-jeexyo iyo hub kale, oo loo dhiibtay.

Qoryaha dheeriga ah oo ay wataan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Dam-Jadiid ayaa waxaa la tilmaamayaa inay lee yihiin Beelo iyo siyaasiyiin iyagu ka cabsanaaya in Hubkooda uu galo gacanta DF.

Hubka oo ay lee yihiin Beelo, Ganacsato, Siyaasiyiin ayaa waxaa si amaano ama ku meel-gaar ah loogu dhiibtay Mas’uuliyiinta Dowlada ka tirsan oo aan laga qaadi Karin si looga bad-baado in hubkaasi laga faramaroojiyo Beelahaasi.

Arintaani ayaa waxa ay meesha ka saareysaa in Howlgalada ka socda Muqdisho uu yahay mid ay Hay’adaha Ammaanka ku xaqiijinayaan Ammaanka, maadama Saraakiisha iyo xubnaha Damu-Jadiid ay weli hub ku dhex wataan Magaalada Muqdisho, halka kuwa kalane ay Hubkooda u daad gureynayaan Gobolada iyo Degmooyinka magaalada ka fog.

Lama Oga sida ay DF ka yeeli doonto qaabka Cusub oo ay beelaha qaar ku bad-baadsanayaan Hubkooda, waxaana laga yaabaa hadii ay howshu sidaa kusii socto ay bur-buri doonto Nidaamkii lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com