Magacyada xildhibaano aflagaadeeyey XASAN Sheekh oo xilka laga qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii la soo dhaafay soo Baxayay Warar sheegaya in Xildhibaanadii aflagaadada u gaystay Madaxweynaha Soomaaliya in lagu Wado in laga Xayuubiyo Xubinnimadooda Baarlamaanka.

Xildhibaanadan oo ka qeyb gaalay banaanbixii aflagaadada loogu gaystay Madaxweynaha iyo beelaha Hawiye ee Minneapolis, ayaa waxaa ay kala yihiin Dr. Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf iyo Xildhibaan Ibraahim Xaaji Suleymaan “Ilkacase”.

Inkasta oo aan la ageyn qaabka iyo sharciga loo marayo arrintan, ayaa haddana waxaa si aad ah u hadal haya xildhibaanno badan oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya.

“Marka uu furmo shirka baarlamaanka, waxaan waydiinaynaa labadan xildhibaan, meesha uu madaxweynaha ku dilay xildhibaanada ay ka mid ahayd Saado Cali Warsame, hadii ay caddayn u keeni waayaanna way waynayaan xubinnimada baarlamaanka” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha baarlamaanka oo arrintan wax ka wada lana hadlay Caasimada Online, isaga oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxa uu intaas ku daray in eedeynta dilka ay tahay arrin aad u weyn, islamarkaanna aan si sahal ah la isaga hari doonin.

Sidoo kale Xildhibaanadan iyo dadkii iskugu soo baxay halkaas oo gaarayay 30 qof, ayaa aflagaado u gaystay Madaxweynaha iyo Qowmiyad gaar ah, taasi oo lagu wado in Xildhibaanada la gula Xisaabtamo Qayaamada Qaran oo ay galeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com