Akhriso: Dowlada Dhexe & Maamul Goboleedyada oo ku heshiiyay 9 qodob oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda.

Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga.

Markaan aragnay baahida loo qabo in ilihii dhaqalaha dalka dib loo soo nooleeyo si ay dowladda ugu suurta-gasho in ay ku fillaato bixinta kharashyada sugidda amniga iyo dib-u-dhiska waddanka oo ay ugu muhiimsan yahiin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Markaan aragnay baahida loo qabo in si caddaalad ah oo daahfuran loo maamulo dakhliga kalluumeysiga.

Markaan aragnay qodobka 52aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah oo qeexaaya in awoodaha iyo dakhliga kheyraadka ay ka wada xaajoonayaan Dowaladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda.

Markaan aragnay qodobka 14aad ee Sharciga Kallumeysiga Soomaaliya ee soo baxay 2014 kuna saabsan rukhsadaha kallumeysiga.

Markaan tixgelinnay danta guud ee Dalka iyo Dadka waxaan ku heshiinay qodoboda soo socda:

QODOBADA HESHIISKA

Qodobka 1aad

DHINACYADA HESHIISKA
Waxaa heshiiskaan wada gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benaadir

Qodobka 2aad

BIXINTI RUKHSADAHA
a) Bixinta rukhsadaha kalluumeysiga wixii ka sarreeya 24 Nautical Miles ee Aagga Dhaqaale ee (EEZ) waxaa u xilsaaran Dowladda Feedraalka ah oo ay masuul uga tahay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

  1. b) Bixinta rukhsadaha wixii ku eg 24 nautical miles waxaa u xilsaaraan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
  2. c) Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxay wakiillo ku yeelaneeysa caasimadaha Dowlad Goboleedyada si ay u fududeeyaan soo gudbinta macluumaadka la xariira bixinta rukhsadaha kalluumeysiga iyadoo la tixgelinayo habraacyada u degsan rukhsad bixinta waafaqsan Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.
  3. d) Qiimaha curaarta ee rukhsad bixinta kallumeysiga waxaa lagu saleynaayaa nooca kalluunka iyo muddada ruqsadda oo uu codsaduhu soo weydiistay iyadoo la tixgelinaayo tartanka sayladaha ee qiimaha bixinta rukhsadaha.
  4. e) Habraaca qiimaha rukhsad bixinta iyo macluumaadka codsiga kaluumeysiga waxaa loo raacaayaa heerka caalamiga ah ee codsiga rukhsadaha kalluumeysiga (International Standard of Application for Fishing Licences) ee ku lifaaqan heshiiskan.

Qodobka 3aad

HAYADDA KALLUUMEYSIGA SOMAALIYEED
Waxaa la abuurayaa Hayadda Kallumeysiga Soomaaliyeed (Somali Fisheries Authority) oo masuul ka ah ilaalinta kalluymeysiga Soomaaliyeed. Hayaddaas waxaa Guddoominaaya Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxaana xubna ka ah wasiirada kallumeysiga dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federalka.

Xilka iyo wajibaadka Hayadda Kallummeysiga Soomaaliyeed waxa soo saraya Guddiga Aminga Qaranka oo ka kooban Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha dawladda xubinta ka dawladda federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir.

Qodobka 4aad
KEEYDINTA IYO MAAMULIDDA DAKHLIGA KA SOO XAROODA KALLUUMEYSIGA IYO KHEEYRAADKA BADDA

Dakhliga ka soo xarooda rukhsadaha kaluumeysiga waxaa lagu keydinayaa xisaab (Account) gaar ah oo laga furi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliyqa.

Qodobka 5aad

QEEYBSIGA IYO UJEEDDOOYINKA LOO ISTICMAALAYO DAKHLIGA
Qeeybsiga iyo ujeedooyinka isticmaalka dakhliga ka soo xarooda kaluumeysiga waxaa go’aan ka gaaraaya guddi ka kooban madaxweynaha Dowladda Federaalka, Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyadoo mudnaan gaar ah la siin doono arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

Qodobka 6aad

HABKA MAAMULKA XISAABTA
a) Hannaanka maamulka xisaabta dakhliga kalluumeeysiga ee ka furan Bandhiga Dhexe ee Somaliya waxaa loo racaaya hannaanka maaliyadeed ee dalka u degsan ee loo yaqaan habmaamulka xisaabaadka (Public Financial Management).

  1. b) Waxaa xisaabta lacag looga saari karaa amarka Guddiga Madaxda fulinta Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo amarka lacag bixinta uu dekreeto ku soo saaraayo Raisal Wasaaraha Xukuuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  2. c) Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federaalka oo u xilsaaran soo xeraynta dakhliga iyo bixinta kharashaadka, waa in ay si daah furan oo waafaqsan hab-xisaabeedka Sharciga waafaqsan u maamusho dakliga ka soo xarooda kalluumeysiga.
  3. d) Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waa in ay leeyihiin Hab-xisaabeedka Maamulka Maaliyadda oo daah-furan.

Qodobka 7aad

WAX KA BEDDELKA HESHIISKA
Heshiiskan wax lagama beddeli karo illaa ay ku heshiiyaan dhinacyada Heshiiskan.

Qodobka 8aad

MUDDADA HESHIISKA

Heshiiskan waxaa uu dhaqan gal yahay ilaa iyo inta ay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka gaaraayaan heshiis dhameeystiran ee qeybsiga dakhliga ka soo xarooda kalluumeysiga.

Qodobka 9aad

DHAQAN GALKA HESHIISKAAN
Heshiiskaan waxa uu dhaqan gelaayaa marka ay wada saxiixaan dhinacyada heshiiska.

SAXIIXA HESHIISKA
Dowladda Federaalka Somaaliya
Mudane Xasan Cali Khayre
Rai’sal wasaaraha XFS ______
Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
Mudane Cabdiweli Maxamed Ali Gaas
Madaxweynaha Puntland _____
Mudane Axmed Maxamed Islaam
Madaxweynaha Jubbaland ______
Mudane Sharif Xasan Sheekh Aadan
Madaxweynaha Koofur Galbeed _______
Mudane Axmed Ducaale Geelle
Madaxweynaha Galmudug…………______
Mudane Maxamed Cabdi Waare
Madaxweynaha Hirshabelle ______
Mudane Cabdirxamaan Cumar Cusman
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir______

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com