Xog: Halkee ayuu muddo kadib marayaa kiiska baaritaanka Qeybdiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa muran Siyaasadeedka ka dhashay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hooyga Gudoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Somalia Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Dowlada Somalia ayaa Seddexdii maalin ee ugu danbeysay ku howlaneed soo afmeerida tuhunka ka dhashay weerarka, waxaana soo baxaaya in Safiirka Imaaraadka ee Somalia oo kamid ahaa dadka lagu eedeynaayo weerarka uu iska fogeeyay.

Safaarada Imaaraadka ayaa iska fogeyneysa ku lug lahaanshiyaha weerarka waxaana sidoo kale weli taagan tuhuno kusoo biya shubtay shaqsiyaad ka tirsan dowlada oo loo badinaayo in ujeedooyin kale ay ka lahaayen weerarka.

Warar hoose ayaa weli sheegaya in dowlada qudheeda ay garwaaqsan tahay in weerarka ay ka danbeeyen shaqsiyaad iyada qeyb ka ah, gaar ahaan dhanka Hay’adaha amaanka, wallow ay u muuqato mid carada madaxa ka ceshaneysa.

Xogo iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Somalia Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ay wada kulmayaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Somalia oo ay kawada hadli doonaan baaritaanka Kiiska weerarka.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa ku jahwareersan, waxa ayna iminka xooga saarayaan sida Cabdiqeybdiid ay ugu qancin lahaayen natiijada kasoo baxday barista oo ah mid aan sidaa usii buuxin.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa maalmo un ka hor markii Cabdiqeybdiid uu sheegay inuu qaadi doono talaabo maadaama aanu weli helin natiijo uu ku qancikaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com