Wadahadaladii Somalia iyo Somaliland oo ka dhacaya dal cusub

Hargaysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo Kan Maamulka Somaliland ayaa kulankoodii uhoreeyay ku yeelanaya Magaalada Jabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti.

Wasiirka arimaha Dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Warbaahinta maanta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa faahfaahiyay dib ujaan qaadida Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland oo Sanadihii danbe hakad kujiray kadib markii ay isbadalo dhaceen.

Sacad Cali Shire ayaa Sheegay in Wadahadalada si rasmi ah uga furmayaan Dalka Swizerland balse uu jiro kulan kaa ka horeeya oo labada Madaxweyne ay ku qaadanayaan Dalka Jabuuti, Ma sheegin xiliga rasmi ahaan ay furmayaan Wadahadalada iyo marka ay is arkayaan labada Madaxweyne.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale soo hadal qaaday waxa keenay in laga soo wareejiyo Waahhadalka Dalka Turkiga maadaama ay taalay Gogoshii ugu danbeysay, Waxa uu sheegay in Turkida aysan dhex dhexaad ka eheyn Wadahadalka ayna aaminsanyihiin Somaliweyn, Taas ayuu ku micneeyay waxa keenay in laga soo Wareejiyo.

Dowladda Somaliya ayuu sheegay iney dhankeeda ka timid dalabka ah inuu bilowdo furitaanka Wadahadalka oo dhowr jeer oo hore uu qabsoomay aysan ka soo bixin qodobo wax ku ool ah.

Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi oo ah labada Madaxweyne ee kala hogaamineysa labada dhinac ayaa ah kuwo Xilka Madaxweynenimo ku cusub, Waxeyna badaleen; Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo oo horay ukala hogaaminayay labada dhinac.