Saraakiil lagu helay musuq yaab leh oo shaqada laga eryey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in shaqo ka ertin lagu sameeyay Afar sarkaal oo ka tirsan dowladda, kadib markii lagu helay Musuq-maasuq baahsan.

Dowlada Ugandha ayaa sheegtay in Saraakiishaasi ay ka been abuurteen tirada qaxooti ay diiwaangeliyeen, waxaana kamid ah ragga la xiray Madaxa arrimaha qaxootiga Apollo Kazungu iyo seddax kale oo ku xigeenadiisa ah.

Dowladu waxa ay sheegtay inay baaris ku samayn doonto saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda Qaramada midoobay oo laga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin kiiska musuqa.

Dowlada Uganda ayaa hadda martigelisa qaxooti gaaraya ilaa 1.4 milyan, taas oo noqoneysa tiradii ugu badneed in ay soo gashay sanadkii 2016ka. Waxayna qaxootidaan kasoo barakaceen wadamada Koonfurta Suudan iyo Congo.

Eedeyntaan ayaa shaki galinaysa tirada la sheegay. Ilaa iyo hadda waxaa Uganda lagu ammaanaa in ay tahay waddanka ugu wanaagsan adduunka markii loo eego martigelinta qaxootiga.

Dhinaca kale, Dowlada Ugandha ayaa tilmaantay in Saraakiishaasi ay ku heyso cadeymo Dukumiinti ah oo ka kaafinkara kiiska musuqa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com