Akhriso: Beelaha ay kasoo jeedaan wasiirada R/W KHEYRE uu magacaabay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay xilkii uu  ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxaana xilkaas loo magacaabay Saalax Axmed Jaamac oo ahaa Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha.

Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Mr Warfaa ayay isku beel ahaayeen Wasiirkii hore ee Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo bishii la soo dhaafay geeriyooday, isagoo bedel u ah.

Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha oo ahaa mid banaanaa, waxaa horay xilkaas isaga casilay C/casiis Lafta Gareen oo loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Saddexdan Wasiir ayaa gebi ahaanba ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana ay sii kordheyneysa tirada Xildhibaanada Wasiirada ah ee ku jira Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Beelaha ay kasoo jeedaan Seddex Wasiir ee la magacabay.

  • Wasiirka Tamarta iyo Macdanta  Fowsiyo Maxamed Shiikh: Mifile/Eelay/Geed Fade/ Waraasiley
  • Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha: Saadiq Warfaa, Laylkase/Reer Muumin Aadan/Maxamed Muumin
  • Wasiirka Dastuurka: Mudane Saalax Axmed Jaamac: Isaaq/Habar Yoonis/Muuse Ismaaciil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com