Akhriso dowlado kale oo Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israa’iil

Prague (Caasimadda Online) – Wargeyska (Israa’iul Yoom) ayaa ka dhawaajiyey inay Wasaaradda Arrimaha Debadda ee dalka Czech u aqoonsatay magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israa’iil taasoo ay ku sheegtay inay tahay xuduudii la sameeyey sanadkii 1967.

Go’aanka kasoo yeeray dalka Czech ayaa Israa’iil uga dhigan guul weyn maadaama ay sugeyso wadamo badan oo raaco jidka Mareykanka uu bilaabay oo ah inay Qudus tahay Caasimadda Dalka Israa’iil.

“Jamhuuriyadda Czech waxay Qudus u aragtaa inay mustaqbalka noqon doonto Caasimad ka dhaxeyso Israa’iil iyo Falastiin” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Czech.

Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay in wadamada  Filibiin iyo Hungary ay shalay ku dhawaaqeen rabitaankooda in ay soo saaraan labo qoraal oo aad isugu dhow kana turjumayo inay Qudus tahay Caasimadda Israa’iil.

Idaacadda Israa’iil ee ku hadasho Luuqadda Cibraani ayaa sheegtay in Shalay Galab uu Madaxweynaha dalka Falabiin Rodrigo Duterte  uu waraaq usoo diray Israa’iil midaas oo uu ku sheegay in Safaaradooda ay kasoo rari doonaan Talabib isla markasna loosoo guurin doono Magaalada Qudus.

Gideon Sa’ar oo xubin ka ah Xisbiga Likud ee dalka Israa’iil ayaa sheegay inay filayaan in dhawaan ay jidka Mareykanka soo raaci doonaan wadamo badan oo Qudus u aqoonsan doono inay tahay Caasimadda Israa’iil.

Gideon Sa’ar oo la hadlay Idaacadda israa’iil ee ku hadasho afka Cibraani ayaa sheegay inuu aqoonsiga Mareykanka ee Caasimadda Qudus uu yahay Hadiyad qaali ah oo Benjamin Netanyahu looga baahan yahay inuu uga mahadceliyo Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com