Muqdisho (Caasaimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si wada jira looga wada shaqeeyo horumarka dalka.
Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga uu Madaxweynaha dalka ku leeyahay Facebook, ayaa waxaa Shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay isku duubnaadan oo ay ka shaqeeyan dib u dhiska Wadankooda.
Waxaa lagu sheegay in dalka uu u baahan yahay dadkiisa, sidaa awgeed la doonaayo in Soomaalida ay si wada jira u dhistaan dalkooda oo kasoo kabanaayo burburka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA LASOO DHIGAY BOGGA FARMAAJO
Asalamu Calaykum Walaalayaal:, Maalinta Jimcuhu waxay kamid tahay maalmaha ugu qaalisan ummadda Muslimka ah, waana maalmaha la badiyo cibaadada iyo xidhiidhinta qaraabada.
Waxaan maalintan qiimaha badan uga faa’iidaysanayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed inay isku duubnaadaan oo aynu ka fekerno aayeheenna iyo sidaan uga shaqayn lahayn mustaqbalka carruurteenna iyo dib udhisidda dalkeenna.
Shacabka waxaa looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ayna garab siiyaan si ay u gutaan waajibkooda. Sidoo kale Hay’adaha dowladdu waa in ay kasoo baxaan xilka saaran oo ay u adeegaan Shacabka sida ugu hufan uguna degdega badan.
Maalinta Jimcaha waxaa ku jirta saacad ducada la aqbalo ee walaalayaal aan u ducayno dadkii usoo halgamay dalkeenna iyo in ilaahay qalbiyadeenna burcad isku mariyo caqligeenna iyo xooggeennana mideeyo, Aamiin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]