Guddiga doorashooyinka 2016 oo soo saaray go’aan xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada dadban Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle oo shir Jaraa’id ku qabtay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in Jadwalka cusub ee doorashada uu noqon doono mid kama danbeys ah oo aan laheyd dib u dhac kale.

Cumar Maxamed Cabdulle dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25 September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxay dhacaysaa 24 September-10 October ee Sanadkaan 2016.

Guddoomiyaha waxa uu shaaciyey Hannaanka ay u dhacayso doorashooyinka dalka oo kala ah:-

1-Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee dalka ay dhacayso 25-ka bisha soo socota ee September.

2-Doorashada Xildhibaannada waxay dhacaysaa 24 September ilaa 10 October ee Sanadkan.

3-Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka (Aqalka Hoose), waxay dhacaysa 25-ka October.

4-Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30-ka October ee Sanadkan.

War-saxaafadeed-564x1024