Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa goordhow laga maqlay nawaaxiga Isgooyska shaqaalaha ee wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca raaxada ah kaasi oo xiliga uu Qarxaayay yiilay inta u dhexeysa Isgooyska shaqaalaha iyo Hoteelka Makka Al-mukarama.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamo ka agdhawaa goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa la sheegay inuu lahaa mas’uul u shaqeeya dowlada kaasi oo aan war sax ah laga heyn xaaladiisa.

Waxaa iminka xiran agagaarka goobta uu ka dhacay Qaraxa waxaana halkaasi dhooban ciidamo ka kala tirsan Hay’adaha amniga kuwaasi oo baaraya Qaraxa.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay iyo Cida sida saxda ah u wadatay Gaarigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com