Wasiir ka badbaaday Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo fiidnimadii caawa Qarax xoogan laga maqlay agagaarka Hoteel Makka Al-mukarama ayaa waxaa soo baxaaya in Goobta uu Qarax ka dhacay uu xiligaasi ku sugnaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux.

Wasiir Nuux ayaa sheegay inuu badqabo isla markaana uu ku sugnaa meel aan sidaa uga sii fogeyn goobta uu Qaraxa ka dhacay waxa uuna tilmaamay in Qaraxa uu ahaa mid lagu cabsi galinaayay, isagoo sheegay in Qaraxaasi ujeedkiisa uu yahay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxa uu sheegay in xiligaasi uu ka dukaameysanaayay Carwo ku dhow meesha uu Qaraxa ka dhacay hayeeshee uu yahay mid aan waxba kasoo gaarin.

Waxa uu sheegay in Saraakiisha amaanka ay baaren Qarax islamarkaana la xaqiijiyay inuu ahaa mid laga sameeyay waxyaabo macmal ah.

Qaraxan ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay ilaa Seddex qof oo ku sugneyd goobta Qaraxa.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada amaanka dowladda oo halkaasi ka sameeyey baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Ciidamada ayaa Howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qab qabteen dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 10 Qof, kuwaas oo looga shakiyay in ay ka dambeeyeen Qaraxan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com