ERDOGAN iyo Vladimir Putin oo qaadan doona kulan xiisa badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu kulan khaas ah la qaadan doono dhigiisa dalka Russia Vladimir Putin.

Kulanka Erdogan iyo Vladimir Putin, ayaa ku beegan maalinta talaadada ah ee fooda nagu soo heysa waxaana la filayaa in labada Madaxweyne ay kawada hadli doonaan qodobo ay kamid yihiin Xiriirka, Amniga, Iskaashiga iyo Ganacsiga labada dal.

Qodobada ay kawada hadli doonaan ayaa waxaa sidoo kale kamid noqon doona xaalada Syria iyo in dib loo soo nooleeyo dalxiiska labada dal.

Xiriirka labada dal oo waayihii danbe ahaa mid sii xumaanaayay ayaa waxaa la rumeysan yahay in dib uu usoo laabtay wixii ka danbeeyay Afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Kulanka labada mas’uul ayaa irdaha u furi doona iskaashiga labada dal iyo waliba is dhexgalka shucuubta kasoo kala jeeda Turkiga iyo Russia.

Saxaafada labada dal ayaa aad u hadal haya kulanka labada mas’uul dhexmari doona waxaana la saadaalinayaa in kulankaasi uu waxbadan ka bedeli doono xiriirka labada dal iyo kan dalka Syria.

Ma jirto wax war ah oo kasoo kala baxay Madaxtooyada Turkiga iyo Russia taa oo ku aadan kulanka maalinta talaadada ah dhexmari doona labada Madaxweyne ee khilaafka u dhexeeyay waayihii danbe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com