Boorsaani oo xil qaadis iyo isku shaandheyn wada + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Jimcaale (Boorsaani) uu isku shaandheyn ku sameyn doono Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Boorsaani ayaa isku bedeli doona Guddoomiyayaasha, iyadoo ay suuragal tahay in Guddoomiyayaasha qaar ay weyn doonaan xilalkooda kuwaasi oo dhowr jeer laga gudbiyay dacwado ka dhan ah.

Isku shaandheynta ayaa saameyn doonta qaar kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka gobolka Banaadir oo iyagu la sheegay in leysku bedeli doono kadib markii qaarkood ay ku fashilmeen maamulka Degmooyinka ay mas’uulka ka yihiin.

Boorsaani ayaa la filayaa inuu isku bedeli doono Gudoomiyayaasha Degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeenley oo mid waliba lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay mas’uuliyada uu maamulka Gobolka u hayay.

Boorsaani ayaa sidoo kale, lagu wadaa inuu isku bedeli doono Gudoomiyayaasha Degmooyinka Shangaani iyo Xamar-weyne oo iyaguna lagu helay faragalin dhanka hantida shacabka.

Sidoo kale, qorshaha Boorsaani ayaa ah in xilka laga qaado Gudoomiyihii degmada Kaxda Cabduladiif Xasan Axmed Badawi, oo isagu ay ismaan’dhaafen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Boorsaani ayaa isku shaandheyn taa lamid ah ku sameyn doona Agaasimayaasha maamulka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com