USA oo si cajiib ah uga hadashay doorashada Soomaaliya ee 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa mar kale ka hadashay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia taasi oo xiliga ay dhaceyso lagu heshiiyay maalinimadii shalay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Mareykanka ay taageeri doonto hanaanka doorasho ee Somalia.

Qoraalkaani oo si gaar ah uga soo baxay xafiiska xoghaya wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa waxaa lagu muujiyay in dowlada mareykanka ay garab lixaad leh ka qaadan doonto doorashada 2016-ka ee Somalia.

Warbixinta Xog-haye Kerry ayaa intaas ku dartay in dowladda Mareykanka ay ka taageereyso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dumuqraaddiyad fadhida.

Warka Xoghayaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in Doorashada sanadkan ay noqoto mid dhabaha u xaarta dimuqraddiyadda, ammaanka iyo in barwaaqo la gaaro.

Waxaa lagu sheegay in ka qeybqaadashadu ay noqon doonto mid dhinac waliba saameyn doonta waxaana sidoo kale warbixinta shaaca looga qaaday in xaalada amni darro ee ka jirta Somalia aysan saameyn ku yeelan doonin taageerada Mareykanka.

Mareykanku waxa uu intaa ku daray inay taageerayaan qaab waliba oo Soomaalida ay ugu heshiiyaan Hanaanka siyaasadeed ee ku xeeran doorashada 2016-ka.

Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa cadeeyay in Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30 October.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya ,waxaana dowladda Mareykanku ay dhawaan u soo magacowday Soomaaliya safiir cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com