Xog: Odayaasha Hiiraan oo wada qorshooyin halis ku ah Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan garabka kasoo horjeeda shirka ka socda magaalada Jowhar ayaa wada abaabul ka dhan ah Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud.

Odayaasha ayaa la soo warinayaa in shirarkooda ay kusoo biirinayaan xubno ka kala tirsan labada Gole ee dowlada kuwaasi oo u ololeynaaya masiirka Gobolka Hiiraan oo dowlada Somalia ay dooneyso in waxkama jiraan ay ka dhigto.

Qorshaha Odayaasha ayaa sidoo kale ah in ololahooda gaarka ah ay kusoo biiriyaan Madaxda Axsaabta dalka ee kasoo horjeeda dowlada Xassan Sheekh, waxa ayna ku midoobi doonaan go’aanadooda ay kaga soo horjeedan Xassan.

Odayaasha ayaa la sheegay in sidoo kale ay diyaarinayaan dibadbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo isaga lagu eedeeyay in dantiisa gaarka ah uu ku dabaqaayo masiirka Gobolka Hiiraan.

Odayaasha Hiiraan ayaa shuruudo adag ku xiray inay u hogaansamaan shirka ka socda magaalada Jowhar.

Xassan Sheekh ayaa sheegay inay ka go’an tahay in si degdeg ah uu kusoo dhiso maamulka cusub ee mideyn doona Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna carab dhabay in wakhti intaa ka badan uusan galin doonin odayaasha Hiiraan ee kasoo horjeeda shirka jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com