Akhriso: Hay’adaha amniga oo war cad kasoo saaray hanaanka sugida amniga kulanka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’addaha Amniga dowlada Federaalka ah ee Somalia  ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan sugida amniga, magaalada Muqdisho xili maanta oo Arbaco ah uu furmayo kulanka Golaha Shacabka, kaas oo Xildhibaanada ay kala wataan laba Ajende oo iska soo horjeeda.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Talisyada ciidamada Booliska, Nabadsugida, Xoogga dalka iyo Asluubta, waxayna kaga hadleen ilaa Saddex qodob oo quseeya kulanka Baarlamaanka.

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa loogu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay ciidamada kala Shaqeeyaan sidii amniga loo xaqiijin lahaa iyo kala sareynta Sharciga.