Wadooyinka magaalada Muqdisho oo saaka kala xiran iyo ciidamo tuban

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa alagu arkayaa ciidamada dowladda oo Gaadiidka u diidaya in Wadooyinka badi ay isticamalaan xili maanta uu furmay kulanka Golaha Shacabka oo laba Ajende oo iska soo horjeeda ay yaalaan.

Ciidamo isugu jira Boolis,Milateri iyo Nabadsugid ayaa Maanta ayaa waxaa lagu arkaaya Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho, sida Wadada Wadnah, Wadada Maka-Almukarama.

Kulanka Baarlamaanka ayaa saakay lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka 09:00 subaxnimo, waxaana looga hadlayaa laba Ajande oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah Mooshinka Jawaari iyo arrinta xuduuda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo laga cabsi qabo in ay dhacaan falal ka baxsan amniga.

Xaalada Magalada Muqdisho ayaa Maanta ah mid kacsan, waxna Isgoys walba taagan Ciidamada Dowladda oo Gaadiidka celinaya,sidoo kale waxaa la arkayaa in dadweynaha ay dhammaan wada lugeynayaan maadaama wadooyinka la xiray.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com