Keating oo rajo xumi ka muujiyay kaalintooda ku aadan xiisada baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa mar Seddexaad ku guul dareystay xalinta buuqa ka dhex aloosan Guuddoonka iyo Xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Michael Keating, ayaa sheegay in qorshaha beesha caalamka uu ahaa in Soomaalida ay dhexdooda xalisato buuq Siyaasadeedka jira, hase ahaatee ay weli dareemayaan inaan laga maarmi doonin dhexdhexaadinta beesha caalamka.

Michael Keating, waxa uu carab dhabay in sanadihii ugu danbeeyay ay u bidhaameysay horumaro dhanka Siyaasada ah, hase ahaatee ay iminka u muuqaneyso in Siyaasada Somalia ay hakat kusii siqeyso.

Michael Keating, oo xiisada baarlamaanka kala hadlaayay wakiilada kale ee dowladaha saaxiibada ka jooga  Somalia, ayaa sheegay in dhowr jeer uu ku hingoobay xal u raadinta xiisada baarlamaanka Somalia, balse uusan gaarin halkii loo calaameeyay oo aheyd ‘’abuurista xal waara’’.

‘’ Kama quusan doono inaan ku dhex Milano Soomaalida si aan xal ugu helno xiisada ka dhextaagan baarlamaanka, waxaan rajeyneynaa inaanu xal u raadino xiisada taagan’’

Sidoo kale, Michael Keating, ayaa ku baaqay in xiisada ka dhexjirta baarlamaanka Somalia aysan ka gudbin Madaxda dhexdooda si aan loogu baahan faragalin dhab ah oo ay sameeyan caalamka.

Haddalka Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya xili xiisada baarlamaanka ay kusii siqeyso rajo xumi halkii ugu xumeyd.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com