Khadiijo Diiriye “Jawaari waxa aan kursiga uga tuureynaa maskax haddii uusan iscasilin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaarraha Xukuumada Somalia, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa mar kale Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ugu baaqday inuu iska casilo xilka uu u hayo baarlamaanka.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay inaanu joogsan doonin Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in xalka baarlamaanka uu xiligaan yahay Jawaari oo Kursiga faarujiya, sida ay haddalka u dhigtay.

‘’Waxa uu Jawaari ku kacay ayaa naaga filan muuqaalka ay muujinayaan kuwa taageersan, Mowqifkeenu waa keliya in Jawaari uu iscasilo’’

‘’Jawaari haddii uu kalsooni isku qabo shir Jaraa’iid joogta ah ma aysan ku mashquuli laheyn, waxaan oran lahaa golaha shacabka la dhex imaada waxa aad isku heysaan’’

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, waxa ay sheegtay in Guddoomiye Jawaari ay ku hayaan cadeymo muuqda oo muujinaaya waxa dhib ah ee uu ku hayo dalka, gaar ahaan sharciyada, hase ahaatee ay dhinac u ridi doonaan sida ay tiri.

Sidoo kale, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa cadeysay inuu aad u yar yahay cadadka Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka, taasina ay ugu wacan tahay inay diraan Muuqaalo caga jugleyn ah oo lagu beer laxawsanaayo shacabka, sida ay sheegtay.

Si kastaba ha ahaatee, xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari ayaa meel xun gaartay, wixii ka danbeeyay guul darada ka dhalatay wadahadalsiinta Guddoonka baarlamaanka oo khilaafka aasaas u ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com