Xog: Maxaa dhex maray Farmaajo iyo Jawaari? (Ogow xaqiiqda wixii dhacay!)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamd Cismaan Jawaari, ayaa maanta sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday inuu is-casilo, balse uu ka diiday, wuxuua madaxweynaha ku eedeeyey inuu waajibaadkiisa gudan waayey.

Haddaba maxaa dhex maray Farmaajo iyo Jawaari?

Ugu horeyn hadalka Jawaari ayaaa u muuqda mid burinaya hadalkii uu jeediyey sabtidii markii uu baaqday kulankii baarlamanka.

Jawaari ayaa markaas yiri “Waxaan u mahad celinaa madaxweyaha oo soo dhex galay xiisaddii jirtay, isaga oo gutay waajibaadkiisa, allaah ajar ha ka siiyo”

Jawaari iyo Farmaajo ayaa markii ugu horeysay kulmy habeenkii jimcaha, tan iyo markii xiisadda baarlamanka ay billaabatay.

Xildhibaano ku beel ah Jawaari oo ay ka mid tahay Fowsiya Sheekh ayaa madaxweynaha u tagay una sheegay in Jawaari uu doonayo inuu la kulmo, uuna doonayo inuu is-casilo, maadaama ku dhowaad 200 xildhibaan ay kaso horjeesteen.

Jawaari oo madaxweynaha u tagey ayaa u sheegay inuu doonayo inuu is-casilo, sidaas darteedna la baajiyo kulanka baarlamanka, wuxuuna codsaday in la siiyo 10 maalmood oo uu kula soo hadlo saaxiibadiis kooxda Damu Jadiid, oo uu sheegay inuu ku biiray.

Madaxweynaha ayaa sida la sheegay dhaariyey Jawaari, marqaatina uga dhigay xildhibaanada beeshiisa, si xiisadda jirta loo damiyo.

Ayada oo sidaas ballanku yahay, ayuu Jawaari shalay mar kale u tagey madaxweynaha, una sheegay inuu ballanka ka baxay, oo aanu is-casili doonin.

Waxa uu kadib maanta qabtay shir jaraa’id oo uu ku sheegay in madaxweynaha uu iscasilaad ka dalbaday.

Xaqiiqda wixii dhex maray Farmaajo iyo Jawaari, waxaa nala wadaagay qaar ka mid ah xildhibaanadii goobjoogga ka ahaa wada-hadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com