Daawo muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Guddoomiye Jawaari uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari, ayaa faah faahin ka bixiyay wada hadaladii uu waday Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, kuwaa oo fashil kusoo biya shubtay.

Guddoomiye Jawaari, wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu la kulmay isaga oo keliya, balse uusan kulan la yeelan xildhibaanada kale ee la sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu gadaal ka riixayo, taasina ay keentay inuu burburo wada hadalka.

Jawaari wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu ka dalbaday in isaga uu is casilo xilka, balse uu iska diiday, uuna u sheegay inuu sharci ku yimid, sharcina ku baxayo, cida baxeysana ay tahay Xukuumadda.

Wuxuu sheegay Jawaari in berri xarunta Golaha Shacabka ay ku kulmi rabaan xildhibaanada Mooshinka wada, wuxuuna tilmaaamay in kulankaasi uu fasaxay Madaxweynaha oo uu sheegay inuu la saftay xildhibaanada Mooshinka wada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID EE JAWAARI