Qarax lala eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku-xigeen ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa la xaqiijiyay in noociisa uu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, kaa oo caawa ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Danwadaagta ee degmadaasi.

Qaraxa ayaa si gaara loo dhigay agagaarka Masjid ku yaalla Isgoyska Ceel Qalow, kaa oo geystay khasaaro kala duwan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Qaraxa miino ayaa waxaa lala eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa laga maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee goobta ku sugnaa, kuwaa oo xiray gabi ahaan goobta Qaraxa.

Gaadiidka gargaarka deg dega ah iyo Ciidamada ammaanka oo halkaa si wada jira u gaaray ayaa qaaday dad ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye kuxigeenka aanay wax khasaare ka soo gaarin qaraxan, balse muraayada hore ee gaarigiisa ay jabtay.

Dhinaca kale, Qaraxa ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray ilaalo la soctay Guddoomiyaha kuwaa oo loola cararay goobaha caafimaad.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com