Sawirro: Xildhibaannada saaka ku karmaaday xarunta BF oo goobo aan u dhoweyn oo looga reebayo ilaaladooda

Muqdisho (Caasimadda Online)- Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka xilli hore ay xarunta Baarlamaanka oo lagu balansan yahay inuu ka furmo kulan xasaasi ah oo looga doodayo mooshinka Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Xildhibaanadda qaarkood ayaa saaka salaadii subax kadib isla markiiba gaaray xarunta Baarlamaanka iyadoo aan la furin xarunta waxayna is tubeen bannaanka Baarlamaanka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee xldhibaanada ay xilli hore tagaan xaruntaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa xildhibaannada u cayimay inaysan ilaaladooda la dhaafi karin goob u dhow Hotel Weheliye iyo Xarunta Tiyaaratarka, waxaana kaliya loo ogolaaday xildhibaannada iyo darawalkooda inay gudbaan, lamana soo werin wax qalalaase ah.

Xaaladda ayaa degan iyadoo xildhibaannada labada dhinac ay ku qulqulayaan xarunta Baarlamaanka, waxaana la sheegay in guddoonka uu wadi doono guddoomiye ku xigeenka koowaaad C/weli Ibraahim Muudey kadib markii kursiga Guddoomiyaha laga qaaday goobta guddoominta xarunta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com