Sawirro: Ciidamo boolis ah oo loo fasaxay hoolka baarlamanka iyo cabsi jirta

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in gudaha Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia loo fasaxay ciidamo ka tirsan baarlamaanka.

Ciidamada loo fasaxay inay gudaha u galaan xarunta oo aad u badan ayaa ilaalinaaya xasiloonida kulanka baarlamaanka, waxaana amar loo siiyay isticmaalka awoodo xadidan, waa haddii laga maarmi waayay.

Ciidamada ayaa mamnuucaya in Xildhibaanada ay dhex socdaan Hoolka xarunta baarlamaanka, sababo la xiriira fowdo iyo isku dhac.

Ciidamadan oo Boolis ah ayaa dhinacyada ka taagan Xildhibaanada, waxaana loo kordhiyay cabsi laga qabo in gacan ka hadal uu dhexmaro Xildhibaanada kala wata labada ajande.

Xildhibaanada ayaa iminka ka gudbay banaanka xarunta oo markii hore lagu koontaroolaayay, waxaana lagu wadaa in goordhow la daah-furo ajendaha oo ah cod u qaadista Mooshinka Guddoomiye Jawaari ka yaal baarlamaanka.

Xildhibaanada ku sugan gudaha Xarunta ayaa kala fadhiya laba qeyb, waxaana lasoo sheegayaa in fadhigooda uu yahay mid muujinaaya isgarabsi.

Sidoo kale, banaanka iyo gudaha xarunta ayaa waxaa ku diyaarsan gaadiidka ciidamada Booliska oo loo maleynaayo inay yihiin kuwo gurmad ah, waa haddii uu dhaco buuq iyo qalalaaso ka dhan ah amniga.

Ma cadda sida uu xaalku noqonaayo, waxaase aad looga cabsi qabaa in Xildhibaanada ay kusii kala fogaadan kulanka maanta, maadaama ay is dhaafsanayaan Hanjabaado.

Caasimada Online  

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com