Jawaari iyo Cawad oo ciidamo hubeysan la galay xarunta BF iyo xaaladda oo kacsan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Mooshinka laga soo gudbiyey ee jawaari iyo Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad ayaa lasoo sheegayaa inay hadda ciidamo hubeysan la galeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamada hubeysan oo ay Jawaari iyo Cawad la galeen Xarunta Baarlamaanka ayaa lasoo sheegayaa inay yihiin Ilaaladooda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Gudaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintaas ka muujiyey walwal farabadan, waxayna sheegeen inay arrintaan tahay xad gudub in Ciidamo lala soo galo Xarunta Baarlamaanka.

Ciidamadan oo lagu qiyaasay dhowr iyo toban culus ayaa qaarkood ay wataan Qoryaha Boobeyaasha culus, waxaana la sheegay inay si lama filaan ah ugu gudbeen xarunta iyagoo ka yimid guriga Mahad Salaad kadibna ay fuuleen qeybta sare ee Baarlamaanka.

Ciidamadaan ayaa lasoo sheegayaa inaysan kamid aheyn kuwa Booliska, Militariga iyo nabadsuggida dowladda Soomaaliya u diinwaan gashan, waxayna u abaabulan yihiin qaab maleeshiyaad ah.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha amniga ay la tacaalayaan ciidamadan gaarka ah si meesha looga saaro, waxaana la hakiyey in xildhibaannada ay gudaha u galaan Baarlamaanka marka laga reebo koox yar oo bilowgii gudaha u galay.

Ujeedka ciidamada taabacsan Mahad Salaad u galeen dhinaca sare ee xarunta ayaan la ogeyn, waxaana loo maleynayaa inay tahay khalkhal amni iyo in shirka Baarlamaanka lagu joojiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com