Wakiilo ka socdo beesha caalamka oo Muqdisho kusoo wajahan si loo xaliyo xiisadda BF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubno ka socday beesha Caalamka ayaa xalay kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo Jawaari shir jaraa`id uu qabtay shalay galinkii dambe  uu sheegay in lagu hayo cadaadis lagu doonayo in uu isku casilo, madaxweynaha Somaliyana uuna sheegay in uu qeyb ka yahay arrintaas.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Meacel keating iyo Fransisco madiera wakiilka midwoga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo xal lagu raadinayo xalay khilaafka ka dhashay Mooshinka ka dhanka Jawaari la yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari.

Kulanka hore ayaa sida wararka soo gaaraya Idaacada Kulmiye ay sheegayaan in Wakiilada la qaateen Gudoomiye Jawaari iyaga oo kala hadlay sida ugu fudud ee xal loo heli karo iyo in la baajiyo kulanka Golaha shacabka ay isaga iyo Muudey ay ku kala balamiyeen ajandayaal kala duwan mudanayaasha Baarlamaanka.

Markii uu soo dhamaaday kulankii ay la qaateen wakiilada Qaramada iyo midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa intaas ka dib waxay u gudbeen madaxtooyada Soomaaliya oo ay kulan kula qaateen madaxweyne Farmaajo inkastoo aysan cadeen waxa ay isla meel dhigeen.

Warar hoose oo la helay ayaa tilmaamaya in leysku fahmi waayay qodobadii ay soo jeediyeen Wakiilada, waxaan kulamadii gooni gooniga ahaa ee xalay dhacay ay noqdeen kuwoo aan miro dhalin.

Kulamadaan ay soo qaban qaabiyeen Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Meacel Keating iyo Fransisco Madiera wakiilka midwoga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu doonayay in lagu baajiyo kulanka Baarlamaanka ee maanta dhacaya iyagoona ay doonayay in lasugo wafdi ka socda beesha Caalamka oo maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Muqdisho, kuwaas oo Muqdisho u imaanaya xal u raadinta khilaafka ragaadiyay Golaha Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com