Ilaalada guddoomiye Jawaari oo jirdilay abaanduulaha ciidanka xoogga dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la jir dilay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood.

Ciidamo ka tirsan Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. jawaari ayaa jir dilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka kadib markii Xarunta Baarlamaanka kasoo geli rabay dhanka Wasaaradda  Warfaafinta waxayna ciidamadaan Taliyaha ku amreen inuu laabto.

Taliyaha ayaa diiday wuxuuna u sheegay inuu halkaan marayo, waxayna arrintaas keentay in si xun loo jir dilo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Canood.

In kastoo dhacdadaan aysan ka hadlain laamaha amniga ayaa hadana taliyaayasha Ciidamada aya iskudayay in ay Xarunta golaha ka soo galaan dhanka Wadada Wasaaradda Warafafinta basle loo diiday,iyada haatan ay ka soo galeen dhanka Wadada ka timaada Isgoyska Sayidka.

Arrintaan ayaa ceeb weyn  ah waxaana muuqato inay faraha ka baxday Xaaladda Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho.

Sidoo kale Jawaari iyo Cawad ayaa gudaha Baarlamaanka la galay ciidamo hubeysan, waxaana lasoo sheegayaa inay qalalaaso ka wadaan gudaha Xarunta.

Jawaari iyo Xildhibaanada taageersan ayaa isku soo dhaarsaday in si kasta loo baajiyo kulankaas iyadoo lagu heshiiyey in la qaado tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com