Jawaari oo ku fadhiistay kursigii shir gudoominta iyo Muudey oo…

Wararka ka imaanaya xarunta Golaha Shacbka ayaa sheegay in wali ay socdaan xildhibaanada imaanaya xarunta Golaha Shacabka, kuwaas oo maanta xarunta ku soo gaarayo si ka duwan sidii hore.

Ciidamo fara badan oo xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa isgoyska Dabka waxay ku reebayaan ilaalada xildhibaannada u socda xarunta golaha shacabka, iyadoo halkaasi uu gudbayo kaliya xildhibaanka oo la baaray waxna aan sidanin sida wararka qaar ay tilmaamayaan.

Sidoo kale baaritaanada lagu sameynaayo mudanayaasha Barlamaanka ayaan ku ekeen wadda Dabka iyo kuwa kale ee soo gala xarunta Madaxtooyada, banaanka hore ee xarunta golaha shacabka waxaa ku sugan xildhibaanno badan oo saf ugu jira in la baaro, kadibna  ay gudaha u galeen xarunta.

Ciidamo Booliis ah ayaa lasoo sheegayaa sidoo  kale iney gudaha ugu jiraan golaha shacabka, kuwaasi oo qeyb ka ah sugista amniga.

Wararka ay faafisay Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari oo Mooshin uu ka yaala uu goor dhow gudaha u galay xarunta Golaha Shacabka, isla markaana ku fadhiistay kursigiisa ku gudoomin jiray kala fadhiyada Golaha Shacabka.

Gudoomiye ku xigeyn Koobaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaan wali gaarin xarunta Golaha Shacabka, kaas oo balamiyay xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanada qaar oo Idaacada Kulmiye la hadlay waxay in xildhibaanada qaar ay Hub la galeen, inkastoo warkaas uusan cadey.

Wali mabilaabanin kulanka Barlamaanka oo laba ajande oo iska soo horjeedo ama kulan labo ajando ah looga hadlaaya uu ka dhacaayo sida ay tilmaameyn xildhibaano la hadlay KNN.