Sawirro: Xaalada BF oo weli cakiran iyo ciidamada Jawaari iyo Cawad oo weli ka muuqda qeybaha sare

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xarunta baarlamaanka Somalia ay gaaren ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Saraakiil cadaan ah.

Ciidamadan oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa waxaa wehlinaaya Saraakiil iyo Eeyo dhowr ah oo u tababaran sheegida walxaha u qarsoon qofka.

Ciidamada AMISOM iyo Saraakiisha cadaanka ah ayaa wata gaadiidka nooca gaashaaman, waxa uuna gaaritaankooda xarunta kusoo beegmayaa kadib markii Guddoomiye Jawaari iyo Cawad ay gudaha Xarunta la galeen ciidamo Hubeysan.

Ciidamada AMISOM oo ka tirsan qeybta Booliska iyo Saraakiisha kale ayaa caawinaya kuwa Soomaalida oo iyagu heegan loo galiyay ka hortaga buuq laga cabsi qabo inay sameeyan Xildhibaanada taabacsan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari iyo Cawad ayaa waxaa ka go’an inay carqaladeeyan kulanka waa haddii uu noqdo cod u qaadista Mooshinka laga gudbiyay, waxa ayna guda Xarunta la galeen ciidamo farabadan.

Ciidamada Jawaari iyo Cawad ayaa sidoo kale weli ka muuqda qeybaha sare ee Xarunta baarlamaanka kuwaa oo aad looga cabsi qabo inay kiciyaan fowdo si loo hakiyo kulanka.

Xaaladda Baarlamaanka maanta lama qiyaasi karo sida uu noqon doono, maadaama Xildhibaano wata laba Ajande oo iska soo horjeeda hoolka ay ku sugan yihiin maanta.

Dhianaca kale,  Suxufiyiinta ayaa loo diiday inay galaan gudaha Baarlamaanka, maadaama la diiday in si toos ah loo soo tabiyo waxa ka socda Xarunta Golaha Shacabka iyo dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee iska soo horjeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com