Sawiro: Muudey iyo ciidamo tiro badan oo uu watay oo gaaray xarunta BF iyo ciidamadiisa oo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey oo wato ku dhawaad 7 Gaari oo Ciidamada ah ayaa gaaray Xarunta Shacabka Soomaaliya.

Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa la sheegay inay ku hareen irradda hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana gudaha xarunta u gudbay Muudeey oo aan wax ciidan ah wadan.

Ciidamadaas ayaa haatan ku sugan baananka hore ee Xarunta Golaha Shacabka,iyada oo gudoomiye muudeey ay kas ii horeeyaan gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa 2aad kuwaas oo saacad ka hor soo galay Xarunta.

Wararka hore ee aan idinla wadaagnay ayaa idinkugu sheegnay in Guddoomiye Jawaari iyo Cawad ay gudaha la galeen ku dhawaad 20 askari oo ku hubeysan qoryaha culus iyo kuwa fudud, waxaana la sheegay inay ciidamadaas ahaayeen kuwa Ilaalooda ah.

Waxaa socoto ilaa hadda dadaalo lagu doonayo in ciidamada Jawaari iyo Cawad looga soo saaro Xarunta Baarlamaanka inkastoo aysan weli wax najiijo ah  kasoo bixin .

Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inuu kulankaan kusoo dhamaado foodo iyo gacan ka hadal, waxayna Xildhibaanada Jawaari taageersan ku heshiiyeen in laga shaqeeyo sidii kulankaan loo soo fashilin lahaa.

Wariyayaasha ayaa laga soo saaray gudaha Baarlamaanka, waxaana lagu war geliyey inaysan soo geli karin inta uu ka dhamaanayo kulanka.