Inta badan xildhibaanadii oo isaga tagay xarunta baarlamanka iyo sababta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda ay soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya inta badan xildhibaanadii tagay halkaas ayaa isaga laabtay.

Wararka ayaa sheegayo inay Xildhibaanadaas sheegeen inaysan gudaha u geli karin Xarunta haddii aanan laga soo saarin Ciidamada hubeysan ee taabacsan Jawaari ee gudaha u galay xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaanadaan ayaa dib ugu laabtay hoteeladii iyo guryihii ay ka imaadeen kadib markii ay sheegeen inaysan naftooda halis gelin karin.

Xildhibaanada kasoo horjeedo Muudey ayaa iyagana sheegay inay hub la geli doonaan Xarunta baarlamaanka haddii aan kuwa Jawaari laga soo saarin.

Balse arrintaas waxaa diiday Ciidamada AMISOM oo sheegay inaysan macquul aheyn in laba ciidan oo iska soo horjeedo isla galaan Xarunta waxayna sheegeen inay ku hoolan yihiin sidii ay kuwa gudaha ugu jiro ay uga soo saari lahaayeen.

Waxaa muuqato inuu kulankii Maanta fashilmay isla markaasna uu hirgalay Qorshihii garabka Jawaari taagersan oo ahaa in laga shaqeeyo sidii kulankaan loo fashilin lahaa.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo la hadlay wariyaasheena ku sugan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Xarunta shacabka la galo hub iyo ciidan badan midaasna ay  tahay sharci darro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com