Jawaari oo joodariigiisa loo geynayo xarunta baarlamanka si uu hal arrin uga hor tago

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdishdo ayaa sheegayo inuu socdo qorsho la doonayo in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya jawaari lagu dajiyo Xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Jawaari ku qalqaaliyey inuu jiifto Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya si looga fogaado in Maalinta Sabtida ah looga soo hormaro Xarunta Baarlamaanka isla markaasna loo diido inuu gudaha u galo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta ku dhaqaaqay tallaabo ay cambaareeyeen Xildhibaano badan oo ahaa inuu Ciidamo tiro badan gudaha ula galay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya taasoo u muuqato inay tahay tallaabo sharci darro ah.

Guddoomiye Jawaari ayaa la filayaa in Saacadaha soo socdo joodarigiisa loo geeyo Xarunta Baarlamaanka si uu halkaas u dago oo uusan uga soo bixin.

Guddoomiye Jawaari ayaa maanta nashqad lama filaan ah la cayaaray Xildhibaanada ku kacsan ee doonayo inay xilka ka qaadaan.

Jawaari ayaa xildhibaanada kasoo horjeedo kaga soo hormaray Xarunta baarlamaanka isagoo ciidamo lama filaan ah gudaha soo galshtay kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ciidamo ka amar qaato Xildhibaan Mahad Salaad.

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ayaa u muuqdo inuu fashilmay isla markaasna waxaa lasoo sheegayaa in tiro badan oo ka tirsan Xildhibaanada ay dib ugu laabteen Hoteeladooda kadib markii laga cabsaday inuu dagaal ka dhaco maadaama Ciidamo badan oo Jawaari la socday ay gudaha u galeen,.

Wixii warar ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com