Jawaari oo la wareegay xarunta BF xilli  Muudeey iyo xildhibaanadii taageersanaa ay hoolka isaga baxeen

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in Xarunta ay ka baxeyn Xildhibaanadii mooshinka waday iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi wali shiikh Ibraahim Muudeey.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka gaar ahaan xildhibaanada Mooshinka wada ayaa KNN u sheegay in Ciidamo uu wato Guddoomiye Jawaari ay xoog ku qabsadeen Xarunta Golaha Shacabka taasina ay sababtay in Xildhibaanada ay dib Guryahooda ugu laabtaan.

Wararka ayaa sheegayo inay Xildhibaanadaas sheegeen inaysan gudaha u geli karin Xarunta haddii aanan laga soo saarin Ciidamada hubeysan ee taabacsan Jawaari ee gudaha u galay xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaanadaan ayaa dib ugu laabtay hoteeladii iyo guryihii ay ka imaadeen kadib markii ay sheegeen inaysan naftooda halis gelin karin.

Xildhibaanada kasoo horjeedo Muudey ayaa iyagana sheegay inay hub la geli doonaan Xarunta baarlamaanka haddii aan kuwa Jawaari laga soo saarin.

Balse arrintaas waxaa diiday Ciidamada AMISOM oo sheegay inaysan macquul aheyn in laba ciidan oo iska soo horjeedo isla galaan Xarunta waxayna sheegeen inay ku hoolan yihiin sidii ay kuwa gudaha ugu jiro ay uga soo saari lahaayeen.

Waxaa muuqato inuu kulankii Maanta fashilmay isla markaasna uu hirgalay Qorshihii garabka Jawaari taagersan oo ahaa in laga shaqeeyo sidii kulankaan loo fashilin lahaa.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo la hadlay wariyaasheena ku sugan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Xarunta shacabka la galo hub iyo ciidan badan midaasna ay  tahay sharci darro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com