Faahfaahin ku saabsan fanaanad caan ka ah Soomaaliya oo geeriyootay

By Saalax Saciid Sabriye

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka naga soogaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaas ay saaka ku geeriyootay Fanaanadda Sahra Axmed Jaamac.

Sahra ayaa maalmahan ku xanuunsaneysay Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa halkaas oo ay saaka ku naf baxday.

Geerida Sahra waxaa xaqiijiyay Dhaqaatiirta gacanta ku hayay ee ka howlgala Isbitaalka ay ku xanuunsaneysay.

Allaha u Naxariistee Fanaanada Sahra Axmed Jaamac ayaa waxa ay ka mid aheyd Hoboladii Qaranka ee Waaberi,waxa ayna ku luuqeysay heeso iusgu jira Jaceyl iyo Wadani basle Maanta ay geeriyootay.

Heesaha lagu xasuusta Fanaanada Sahra Axmed Jaamac ayaa waxa ka mid ah Heesta Naf ku jecel Aduunyada ayaa ugu wacan wax lala noolaado iyo heeso kale oo aad u farabadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com