Lix xildhibaan oo loo diyaariyey inay arrin halis ah ku sameeyaan Muudeey haddii uu ku fadhiisto kursiga jawaari

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareereysa xaaladda kacsanaanta ah ee ka dhex taagan kulanka Baarlamaanka Soomaaliya Maanta uga furmayo Magaalada Muqdisho.

Waxaa dagaal  siyaasadeed oo culusd uu ka dhaxeeyaa Xildhibaano taageersan jawaari iyo kuwa kasoo horjeedo.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heleyso xog ku aadan kaarto cajiib ah oo lala damacsan yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mahad Cawad.

Xildhibaano uu hoggaaminayo Axmed Macalin Fiqi ayaa ku heshiiyey in Muudeey si xoog ah looga kiciyo Kursiga Guddoomiye Jawaari haddii uu ku fadhiisto, maadaama Guddoomiye Jawaari mooshin laga keenay sida sharciga ahna uusan shir guddoomin karin kulanka Baarlamaanka.

Xildhibaanadaan ayaa u diyaariyey kiiskaan inay fuliyaan illaa 6 Xildhibaan oo ballan qaaday inuusan Muudeey ku fadhiisan doonin kursiga Jawaari wax kasta oo dhaca isla markaasna ay u adeegsan doonaan awood.

Kooxda uu hoggaaminayo Muudeey ee doonayo inay xilka ka qaadaan Jawaari ayaa qorsheenayo inuu shirka Maanta guddoomiyo Muudeey isla markaasna codka kalsoonida lagala laabtay.

Arrintaan ayaa laga yaabaa inay sababto foodo iyo xasili dooni darro ka dhalato Kulanka Baarlamaanka ee maanta furmayo.

Ujeedka ugu weyn ee Xildhibaanada Jawaari taageersan ayaa ah inay Maanta fashiliyaan kulanka isla markaasna aysan wax dhicin.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa iyadoo wariyaasha Caasimadda Online ay gudaha ugu jiraan Xarunta baarlamaanka waxaana daqiiqad daqiiqad idinkula wadaagi doonaa wixii soo kordha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com