Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ugu baaqay in Wasaaradiisu aysan ku ekaan keliya magaalada Muqdisho.
Jawaari ayaa Wasiirka Dastuurka ugu baaqay in barnaamijada ku aadan Dastuurka ay qeyb ka noqdan Gobolada dalka waxa uuna tilmaamay inaanu muhiimad yeelan doonin haddii saldhiga Wasaarada uu ku ekaado magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Jawaari waxa uu sheegay in Wasiirka Dastuurka looga baahan yahay in awoodiisa ugu badan uu gaarsiiyo ilaa Gobolada, maadaama buu yiri howsha Wasaaradu aysan ku ekaan karin Muqdisho.
Jawaari ayaa sheegay in muhiim tahay in dadka kunool gobolada dalka Soomaaliya in ay talo ku yeeshaan dastuurka dalka, si aanu u dhicin muran dhanka Dastuurka ah.
Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in Wasaaradda dastuurka laga doonaayo in ay ka shaqeyso sidii wax ka badal loogu sameyn lahaa dastuurka Qaranka.
Haddalka Guddoomiye Jawaari ayaa kusoo aadaya xili Wasaarada Dastuurka ay magaalada Muqdisho ka dhex wado shirar khuseeya la tashiga bulshada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

