26.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Exclusive: Xaaf oo tallaabo weyn u qaaday inuu Ahlu Sunna kusoo daro Galmudug

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa tan iyo markii la doortay waday ololo uu Ahlu Sunna ugu soo darayo Maamulkiisa.

Madaxweyne Xaaf oo ah nin oday ah oo waayo joog usoo ahaa siyaasadda Soomaaliya ayaa guul weyn ka gaaray wadahadalka Ahlu Sunna iyo inay kamid noqdaan Galmudug, waxayna tallaabadaan timaaday kadib wadahadalo xagga Taleefoonka ah.

Illo wareedyo ku dhow dhow Ahlu Sunna oo ku sugan Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inay wada hadleyn Ahlu Sunna iyo Madaxweyne Xaaf isla markaasna ay isku afgarteen in Ahlu Sunna wax laga siiyo Maamulka Galmudug lana soo gabagabeeyo khilaafka mudada labada sano ah u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Inkastoo aan la ogaan qodobada ay labada dhinac isku afgarteen iyo haddii Ahlu Sunna luu fulinayo qodobadii ay kusoo bandhigeyn wadahadaladii Muqdisho, haddana waxaa xaqiiq ah inay labada dhinac aad isugu soo dhawaadeen.

Xaaf ayaa la filayaa inuu dhawaan booqasho ku tago Magaalada Dhuusa Mareeb si loo dhameeyo heshiisyada iyo afgaradka bilowga ah, haddii uu ku guuleystana Xaaf inuu Ahlu Sunna kusoo daro Galmudug waxay u noqon doontaa sumcad iyo hoggaan wanaagsan oo lagu daydo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markii la doortay ballan qaaday inuu Ahlu Sunna la fadhiisan doono isla markaasna uu kala hadli doono sidii loo midoobi lahaa waxna la isugu darsan lahaa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News