27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Taabit oo is badal ku sameynaya guddoomiyeyaasha degmooyinka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa isbadal ku sameenayo qaar ka tirsan guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa maalmihii dambe waday qorshooyin uu xilalka uga qaadayo qaar ka tirsan Guddoomiyayaasha Gobolka Banaadir, waxaana isbadalka la sameyn rabo si weyn looga dareemay xarunta Gobolka.

Sida ay sheegeyso xogta la helayo Guddoomiyaha ayaa xilka ka qaadi doono 5-7 guddoomiye ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ku dhawaaqista xil ka qaadistaan dib loogu dhigay unaasabadda 15-ka May oo uu si weyn u diyaariyey Maamulka Gobolka Banaadir.

Xoghayaha Gobolka Banaadir ayaa loo gudbiyey codsiyo badan oo ku aadan qabashada xilalka Degmooyinka Gobolka Banaadir,  halka qaarkood laga dhageystay aragtidooda iyo qorshahooda hadii xilka loo magacaabo waxa ay qabanayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wado qorsho ku aadan sidii Degmooyinka loogu magacaabi lahaa shaqsiyaad cusub oo aqoon fiican leh, inkastoo inta badan guddoomiyayaasha degmooyinka ay yihiin kuwa aqoon leh oo jaamacado kasoo baxay.

Xil ka qaadista lagu Sameenayo 7-daan degmo ee Gobolka Banaadir ka tirsan ayaa la filayaa inay dhacdo Berri, marka maanta la qabto munaasabadaha Maalinta dhallinyarada (SYL) taasoo dib u dhac ku keentay arrintaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waday dar dar gelin maamulkiisa ah, iyadoo todobaadkii horena xil ka qaadis ku sameeyay 3 ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha dowladda hoose.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News