Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha ugu sareyso dalka ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga oo ugu hambalyeeyay munaasabada 15 May oo ah maalinyarada dhalinyarada SYL la aasaasay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ubax dhigay Taalada SYL oo ku taala meel aan ka fogeyn madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu la dabaal dagay kumanaan dadweyne ah oo munaasabada ka qeyb galayay.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka qeyb gashay munaasabada, waxaana Khadiijo ay ka shaqeysay munaasabada maanta ka dhaceyso magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray dhalinyarada Soomaaliyeed isaga oo sheegay in dhalinyarada maanta la doonayo inay ka shaqeeyaan horumarinta dalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa isaga oo ku sugan dalka Qatar, wuxuu dhankiisa muuqaal uu soo duubay hambalyo ugu diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada, isaga oo ku dhiiro geliyay inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.


