27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Maxaa kusoo kordhay qorshaha halista leh ee xildhibaanada madasha Horusocod?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulamo magaalada Nairobi uga socda Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole ee BFS.

Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in Xildhibaanada aya kulamo gaar gaar ah la qaadanayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Kenya kuwaa oo u badan Xisbiga Mucaaradka.

Xildhibaanadaani oo gaaraya illaa 100 ayaa dowlada Kenya ka iibinaaya Madal ay dhisteen oo lagu magacaabo horusocod iyo hanaanka ay ugu shaqeynayaan Madasha.

Guddoomiyaha Madasha Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa sheegay in Madashu ay ka go’an tahay la kulanka madaxda Kenya waxa uuna tilmaamay in qorshahooda aawgii ay heshiisyo la gali doonaan dhinac waliba oo ay u arkaan inay xal ugu jirto.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in qorshaha ugu weyn uu kamid yahay inay la kulmaan Madaxda dalka Kenya si ay u dareensiiyan howlahooda.

Xiddig waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay ciribtiraan waxa uu ugu yeeray howl xumida dowlada, waxa uuna cadeeyay inay jiraan khaladaad badan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegayaa in mucaarado adag kaga soo fool leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaasoo xilligan doonaya in xaalad ka duwan tii hore inay ku wajahnaa la xisaabtanka Xukuumadda iyo qeybaheeda kala duwan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News