Xog: Khilaafkii Somalia iyo Imaaraadka oo dib u bilowday iyo Farmaajo oo lagu ballan furay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa heshiisyo qarsoon lasoo saxiixday dowladda Imaaraadka Carabta oo uu casuumaad ka helay markaas oo uu booqday.

Madaxweynaha iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiisyo iyo is afgaradyo badan, waxaana ugu muhiimsaneyd qodobadii lagu heshiiyey ee ku saabsanaa Saldhigga Berbera oo laga dhawaajiyey inay Somaliland ku wareejisay Imaaraadka.

Labada dowladood ayaa ku heshiiyey in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada ay Imaaraadka kula wareegeyso Dakadda Berbera, waxaana lagu heshiiyey in kulamo kale la qaato isla markaasna ay imaaraadka dib u dhigto la wareegista Dakadda Berbera.

Haddaba dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku ballan furtay madaxweyne Farmaajo waxayna bilowday fulinta heshiisyadii ku aadaana Dakadda Berbera oo lagu wareejiyey shir laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Tallaabada ay qaaday Imaaraadka ayaa dhiigga ku kiciyey Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna hadda bilaabay dacwado uu ka gudbinayo dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxwyene Farmaajo ayaa dhawaan booqan doono dalka Masar oo uu casuumaad ka helay, waxaana la filayaa inuu madaxweynaha u gudbiyo dowladda Masar dacwad ka dhan ah Dowladda Imaaraadka Carabta oo faragelin xoog leh ku heyso Soomaaliya.

Lama ogo Waxa ay dowladda Masar ka qaban karto dacwad ku aadan Dowladda Imaaraadka Carabta, maadaama dowladda Sacuudiga ay horey wax uga soo qaban weysay khilaafka ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET