28.5 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Qarax gaari oo goordhow ka dhacay agagaarka Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa waxa uu goordhow ka dhacay meel ku dhow guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaan Haaryar, kaa oo la dhigay goolada Hooyooyinka.

Qaraxa ayaa la sheegay in halkaa la dhigay abaaro Shan saac oo subaxnimo, xili halkaa la qorsheynaayay in socod uu ku maro Madaxweynaha Somalia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa loogu talo galay Madaxweynaha, Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiisha DFS ee maanta socdaalka ku maraayay Taalada S.Y.L ilaa daljirka Dahsoon.

Sidoo kale, Gaariga ayaa qarxay xili ay ku howlanaayen Ciidamada dowlada kuwooda u tababaran furfurida Qaraxyada.

Lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa oo ahaa mid aad u culus, isla markaana laga wada maqlay magaalada Muqdisho.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News