Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir uu ka been sheegay dacwad uu dhawaan ka gudoomay mid kamid ah Nabadoonada ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Boqor Maxamed Jaamac oo ah hoggaanka odayaasha dhaqanka ee gobollada waqooyi oo u waramaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xeer ilaaliyaha Qaranka uu yahay danbiile musuqay Dacwad uu u gudbiyay.
Boqor Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Xeer ilaaliyaha uu musuqa dacwadiisa, isla markaana uu qoraalo dheeri ah ku daray dacwadii uu gudbiyay, sidaana ugu hiiliyay dhinacii kale ee dacwada laga gudbiyay.
Boqor Maxamed Jaamac, waxa uu sheegay in Xeer ilaaliyaha uu si cad isku hortaagay dacwada ay u gudbiyeen xafiiska, waxa uuna nasiib darro ku sheegay sida loola dhaqmay xili uu dacwad gudbiyay.
Nuqul kamid ah hadalka Boqor Maxamed ayaa ahaa ”Xeer ilaaliyaha wuxuu galka dacwadda ku daray qoraallo been abuur ah oo uu u gudbiyey Maareeye, wuxuu si cad u cadeystay inuu tixgelinayo koox siyaasadeed oo isku garab ahaayeen xilligii dowladdii hore”
Waxa uu intaa ku daray ”Dacwad u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeedna inuu siyaasadeeyo, wuxuu is hortaagay in la baaro ilmo uurka ku jiray oo la rabay in la dilo”
Boqor Maxamed, ayaa sheegay in Xeer ilaaliyaha uu ku kacay Musuq dacwadeed, waxa uuna ku baaqay in DFS ay wax ka qabato dhibta ay ku heyso Xeer ilaalinta.
Haddalka Boqor Maxamed, ayaa imaanaya xili Xeer ilaaliyaha Qaranka horay loogu eedeeyay is dabamarinta kiisas dhor ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

