Aqriso: Siilaanyo oo magacaabay wasiiro cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay ay xilka Wasiirnimo iska casileen tirro wasiiro ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa waxaa goordhow si rasmi ah loo magacaabay wasiiro cusub oo bedelaaya kuwa is casilay.

Madaxweynaha Somaliland Axamed Maxamed Siilaanyo, ayaa goordhow mas’uuliyiin cusub u magacaabay xilalkaasi, waxa uuna magacaabista ka hor uga digay inay maraan wadadii ay mareen Wasiirada is casilay.

Masuuliyiintan la magacabay ayaa iskugu jiray qaar la isku bedelay iyo qaar wasiirnimada ku cusuba waxa ayna kala yihiin:-

1- Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta inuu ahaado wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista)

2- Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan)

3- Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado wasiirka wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)

4- Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta inuu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland)

5- Dr.Sacad Cali Shire, laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda & Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).

6- Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado wasiirka wasaarada duulista hawada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).

7- Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com