Sir ku saabsan arrin ciidamada Kenya ay dekeda Kismaayo ka wadaan oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah, kuna sugan Magaalada Kismaayo inay wadaan ka ganacsiga Sonkorta Sharcidarada oo ay u dhoofiyaan gudaha dalka Kenya.

Warbixinta Kooxda la socodka Xayiraada Hubka Somaliya, ay soo saartay ayaa lagu sheegay Kenya inay dhaqaalo badan oo faa’iido ah ay ka soo gasho Dhoofinta dhuxusha sharcidarada ah ee laga dhoofiyo Somaliya, loona dhoofiyo gudaha Kenya.

QM ayaa sheegtay in faa’iido ahaan ay ka soo gasho Kenya dhoofinta Sonkorta lacag gaareysa in Kabadan $800,000 taasi oo inta badan gacanta ugu dhacda Saraakiisha ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan.

Sonkorta ayaa la sheegay in laga qaado Dekada Magaalada Kismaayo, kadibna la geeyo dalka Kenya, halka qaarna Dekadaha dalka Kenya laga dejiyo, iyadoo dhanka badda la marsiinaayo.

Kenya gudaheeda sonkorta sida sharcidarada ah loo geliyo waa ka mamnuuc, waxaana dhowr mar ciidamada xuduuda ku sugan ay qabteen Gaadiid sonkor wada oo dalkaasi si sharcidaro ku gelinaya.

Dowladda Kenya, weli kama aysan jawaabin eedeyntaan ka soo baxday Qaramada Midoobay ee ku aadan dhoofinta Sonkorta Sharcidarada ah ee dalkaasi Kenya la geeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com